DF oo xabsiga dhigtay askar qaadatay lacago laaluush ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey askar lagu soo eedeeyey inay laaluush ka qaadanayeen shacabka intii uu socday bandowgii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Muqdisho.

Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo ah afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in askartaasi oo ku sugnaa mid ka mid ah baraha koontorool ee Muqdisho xabsiga la dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan lacagaha baada ah ee lagu soo eedeeyeen inay ka qaadanayeen dadka shacabka ah.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrintaan ay tahay fal anshax xumo ah oo ay sameeyeen askartaasi, balse laga qaadi doono tallaabo adag.

“Booliska Soomaaliyeed waxa ay gacanta ku dhigeen Askarta ku sugan goob lagu baaro Gawaarida, cabasho shacab ayaa nasoo gaartay, waxa aan ku sameynayay dabagal oo ugu dambeyn waan xirnay, waxaana ku socda Baaris.” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay saraakiisha amniga la wadaagaan haddii ay dhibaato kala kulmaan ciidamada Booliska ee ku sugan caasimada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan ciidamada dowladda lagu eedeeyo inay lacago ka sameeyaan xilliyada ay xiran yihiin jadadka Muqdisho, iyaga gaadiidka kala duwan iyo Bajaajyada ka qaada lacago, kadibna sii daayey sida la arkay marar badan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.