QM oo fariin culus u dirtay baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa fariin la xariirta shaqooyinka culus ee hor yaalla iyo talooyin u diray baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kalfadhigiisii u dambeeyay uu Sabtidii Muqdisho ka furmay.

James Swan ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku baraarujiyey in shaqooyin culus ay hor yaallaan ay ka bilaabaan kuwa deg degga ah ee mudnaanta leh, iyaga oo ku tashanaya taageerada xafiiskiisa Qaramada Midoobey.

“Indhaha dadka Soomaaliyeed, iyo weliba indhaha saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay soo eegayaan Baarlamaanka idinkoo gudagalaya shaqadiina aad hore ugu sii waddaan arrimaha degdegga ah ee mudnaanta leh. Waxaad ogaataan oo aan idiin xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay inay taageerto shaqadiina idinkoo billaabaya kalfadhigan muhimka ah” ayuu yiri.

War-saxaafadeedkan kasoo baxay xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kalfadhigoodii u dambeeyay uu u furmay inay sii wadaan shaqadooda, iyadoo ay taagantahay khatarta cudurka COVID-19.

“Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay, waxaan jecelahay inaan muujiyo inaan garab taaganahay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed idinkoo wajahaya caqabaddan caalamiga ah” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale Ergeygan gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in arrimaha ay Soomaaliya sida dhaw uga caawinayaan ay ka mid yihiin, geedi socodka doorashooyinka Qaranka, wax ka bedelka Sharciga xisbiyada siyaasadda iyo warbixinta guddiga doorashooyinka Qaranka.

“Mudaneyaal, Xildhibaanada Sharafta leh, Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo shaqada Baarlamaanka Federaalku waxay qeexi doontaa waddada ay Soomaaliya u marayso dimuqraadiyad iyo xasillooni ee sannado badan oo soo socda.”

“Waxaan idinku baaqaynaa inaad shaqadiina u qabsataan si isku duubni ah oo loo wada dhanyahay, idinkoo ka shidaal qaadanaya codadka dhammaan xoogagga siyaasadda iyo bulshada, haddana idinkoo muujinaya aragtiyada haweenka, kooxaha laga tirada badanyahay iyo kuwa taariikh ahaan matalaad la’aa. Midnimada dadka Soomaaliyeed waa lama huraan iyadoo uu dalku ka gudbayo marxaladdan adag ee xasaasiga ah” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii war-saxaafadeedkan ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga dalbaday inay isu keenaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ee ay taladu ka go’do.

“Waxaan jecelahay inaan idiinku mahadceliyo shaqadiina idiinkuna dhiirrigeliyo inaad isu keentaan dhammaan saamileyda ay taladu ka go’do, si aad u xoojisaan dibuheshiisiin, u dhistaan isafgarad wadarogol ah, oo laga yeesho arrimaha qaranka ee mudnaanta leh oo aad ka qaybqaadataan wax ka qabashada caqabadaha uu dalku wajahayo. Markaad gudagaleysaan doodihiina, fadlan ku xisaabtama taageerada Qaramada Midoobay.” ayaa lagu yiri.