Qabrigii khaliif Cumar bin Cabdulcaziz oo lasoo faagay

Damascus (Caasimada Online) – Ururo argagixiso ah oo ay taageerto Iran ayaa weerar ku qaaday macbad ku yaala Siiriya, halkaas oo la rumeysanyahay in lagu aasay Khaliifkii  Umawayiinta Omar bin Abdulaziz waxayna soo saareen haraadigii meesha ku aasnaa.

Muuqaal lagu daabacay baraha bulshadda ayaa muujiyay ururadda argagixisada oo qodaya xabaasha oo ku taalla magaaladda Deir Sharqi oo u dhow magaalada Maarat al-Numan.

Muuqaal kale ayaa muujiyay xaabaasha oo lana furay lana faarujiyay. Lama hayo warbixin ku saabsan meesha lagu aasay haraadigii godka laga soo saaray.

Bishii February, ciidanka Bishaar Al-Assad ayaa dab ku dhajiyay aaga ku hareereysan macbadka markii ay magaaladda qabsadeen waxaana gaarsiyeen waxyeello.

Omar bin Abdulaziz, waxaa uu ahaa Khaliifkii sideedaad ee Umawiyiinta abtiriskiisuna waxaa uu dib ugu laabanayaa Cumar bin Khadaab, ilaahey ka raali ahaadee oo ka mid ahaa saxaabadii Nabi Maxamed NNKH.

Cumar bin Cabdul Caziz waxaa lagu magacaabay khaliifkii shanaad ee ugu wanaagsanaa Islaamka, marka la eego cadaaladiisa mudadii uu xilka hayay oo ahayd laba sano iyo shan bilood.