Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo lagu diiradda lagu saaray dhismaha Guddi Qaran oo qaabilsan hirgelinta xeerarka caalamiga ah ee xilliga dagaalka.
Kulankan wadatashiga ah ayaa waxaa ka qeyb-galay khubarro ka socotay Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC), mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka arrinsaday baahida loo qabo dhismaha guddigan iyo doorka uu ka qaadan karo hirgelinta xeerarka caalamiga ah.
Intii uu socday kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay qaab-dhismeedka guddiga, waajibaadkiisa shaqo iyo sida uu ula shaqeyn karo hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo helo hannaan mideysan oo lagu fuliyo xeerarka caalamiga ah ee xilliga dagaalka.
Sidoo kale, ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa isla lafa-guray habraacyada ugu wanaagsan ee caalamka laga isticmaalo iyo waayo-aragnimada dalal kale oo hore u sameystay guddiyo la mid ah kan la qorsheynayo in Soomaaliya laga dhiso.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd waddamadii ugu horreeyay ee saxiixa heshiisyada Geneva Convention xilligii gumeysiga kadib, taas oo keentay waajibaad sharci oo caalami ah oo saaran dowladda.
Waxa uu tilmaamay in waajibaadkaas ay lagama maarmaan tahay in loo qaabeeyo si nidaamsan oo waafaqsan sharciga, loona helo hannaan qaran oo si buuxda u hirgeliya xeerarka caalamiga ah ee xilliga dagaalka, si loo ilaaliyo xuquuqda bani’aadannimada xilliyada colaadaha.
Ugu dambeyn, Xoghayaha Joogtada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hay’adda ICRC doorkeeda ku aaddan qabashada kulanka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in hirgelinta waajibaadkaas aysan ku koobneyn hay’ad gaar ah, balse ay u baahan tahay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta dhammaan hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah.









