Kulankii BF oo baaqday iyo Mursal oo kulamo la qaatay mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Isniin ah markale baaqday kulankii xildhibaanada baarlamaanka ku yeelan lahaayeen xarunta golaha shacabka, iyadoo aan la shaacin sababta uu u baaqday kulanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada dhexdooda, kaasi oo xoogeystay kadib kulankii Sabtida.

Doodii amniga dalka ayaa keentay in xildhibaannada ay ku kala qeyb sameen arintaasi kadib markii guddoonka uu soo jeediyay in fadhiga uu noqdo mid xiran halka xildhibaano kale ay kasoo horjeesteen aragtiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah iyo kuwa la safan xukuumadda, waxaana uu kala hadlay sidii kulamada xiga ay ee baarlamaanka u dhici lahaayeen.

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku bilowday buuq iyo is qab qabsi u dhexeeya mudanayaasha Golaha shacabka, iyadoona ay xusid mudan tahay in sanadkan uu baarlamaanka horyaalo hindise sharciyeedyo dhowr, kuwaasi oo la doonayo in la ansixiyo.