Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay wafdi ka socda Jarmalka + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu Muuse Biixi la yeeshay wafdigan, ayaa kwaxa ku wehelinayey wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dar-dargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Waxa sidoo kale kulankan lagaga wada hadlay Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, waxbarashada iyo kalluumaysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com