Qorshaha dagaalka Liibiya iyo kaalinta Sacuudiga

Tripoli  (Caasimadda Online) – Ololaha uu wadaado Janaraalka howlgabka ah ee lagu magacaabo Gen Khalifa Haftar ayaa qarka u saaran in lagu qabsado Magaalada Caasimadda u ah dalka Liibiya ee Tripoli.

Illo wareedyo ka tirsan Xarunta Dowladda ay ictiraafsan tahay Qaramada Midoobay ayaa bixiyey xog saabsan qorshaha uu Janaraalka usoo weeray Tripoli.

Illo wareedyadaan ayaa xusay inay Dowladda Sacuudiga laheyd tilmaamaha iyo diyaarinta weerarka lagu qaaday Tripoli isla markaasna ay Riyadh ku bixisay lacag aad u badan sidii uu u fuli lahaa howlgalkaan Militari.

Gen Khalifa Haftar ayaa maalmo ka hor weerarka lagu soo qaaday Tripoli wuxuu booqasho ku tagay Magaalada Riyadh ee Caasimadda u ah Sacuudiga, wuxuuna Qasriga Boqortooyada kula kulmay Boqor Salman, sidoo kalana waxaa ka mid ahaa xubnaha uu Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo madaxa guud ee Sirdoonka Dalka Sacuudiga.

Xubno Gen. Khalifa Haftar ku wehliyey Safarkiisa Riyadh ayaa  Telefishinka Al-Jazeera u sheegay inay Sacuudiga iyo Janaraalka ku heshiiyeen in howlgalkaan laga soo qeyb geliyo Dowladaha Faransiiska, Ruushka, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Dowlado kale oo Carbeed oo aan weli si rasmi ah loo helin magacyadooda.

Dhanka kale illo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Liibiya ayaa Telefishinka Al-Jazeera u sheegay inay Dowladda ay Qaramada Midoobay Ictiraafsan tahay u gudbisay Safiiradda Faransiiska u fadhiso Magaalada Tripoli Béatrice du Hellen Ashtako ku qorneyd af adag oo ka hadleysay inay Faransiiska joojiso taageerada ay u muujineyo Gen. Khalifa Haftar.

Illo wareedyadaan ayaa intaas kusii daray in Madaxa Xukuumadda Fayez al-Serraj uu Safiiradda ka codsaday inay cabashadiisa gaarsiiso Dowladiisa gaar ahaan Madaxweynaha France Emmanuel Macron.

Ra’isulwasaaraha Liibiya ayaa xusay in weerarka Generaalkaan lagu soo aadiyey xilli ay liibiya heshay Xal siyaasadeed isla markaasna ay arrintaan tahay gadaal ka toogasho ay sameenayaan qaar ka tirsan Dowladaha Carabta iyo kuwa ka tirsan Reer Galbeedka.

Inta la ogyahay illaa hadda waxaa dagaalkaas ku dhintay laba qof oo rayid ah kuwaas oo ay guryahooda ugu tagey hubka cul culus oo ay isku adeegsanayaan kooxaha dagaalka ka dhaxeeyo.

Gen. Khalifa Haftar  ayaa Qaddaafi gacan ka siiyay in uu awoodda la wareego 1969, ka dib ayayse is maandhaafeen qurba joog ayuuna ku noqday Maraykanka.

Sannadkii 2011 ayuu soo laabtay ka dib markii Liibiya ay ka billawdeen kacdoonkii lagu diidanaa Qaddaafi, wuxuuna noqday taliye jabhadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Tripoli
Caasimada@live.com