Kulankii madasha ee September 7 oo hal arrin u baaqanaya (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Soomaalida oo wayadii ugu dambeysay kulamo ka yeelanyey arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, ayaa la filayaa kulan lagu wado in bisha soo socota ee September 7,2016 ay ku yeesshaan magaalada Muqdishu uu dib u dhac ku yimaado madaama halkaas isugu imaanayaan madaxda dowladaha IGAD.

Madaxda dowladaha ku bahoobey urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in bisha September 7,2016 shir sanadeedkooda ku yeeshaan magaalada Muqdisho, taasoo sababtey in dib u dhac ku yimaado kulankii madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka.

Xogtan oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online, ma jirto weli wax war ah oo weli kasoo baxey dowlada Federaalka Somalia ee ku aadan dib u dhaca kulanka madaxda Soomaalida taasoo saameyn ku yeelan doonta Jadwalka doorasho ee horey loo dajiyey.

Jadwalka doorasho ee cusub ayaa sababey in doorashada Somalia dib u dhacdo tan iyo bisha October 30, 2016.

Kulanka madaxda dowladaha ku midoobey urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa sadex cisho ka hor inta uusan dhicin waqtigii la doortey Madaxweynaha dowlada Federaalka Somaliya kaasoo ku eg Sept 10,2016.

Madaxda maamulada gobolada ayaa kulankoodii ugu dambeeyey kororsiimo ugu sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh kaasoo waqtigiisu ku ekaa Sept 10, 2016.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland dib uga dhaco kulanka Muqdisho ee madaxda Soomaalida, kasoo laga dhigey Sept 10, 2016 madaama uu ku wajahan yahay sida laga soo xigtey xubno xafiiskiisa ka tirsan gudashada Xajka.

Madaxweyne Gaas ayaa oo hadda safar ugu maqan dalka Turkiga, ayaa wararku sheegayaan in dalka Jabuuti ka sii aadi doono Boqortooyada Sucuudiga halkasoo ka qayb gali doono gudashada Xajka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com