Kulankii xildhibaanada BF oo baaqday + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu shaaicyey guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayey baaqashada kulankan ayaa sheegay in inta badan xildhibaanada ay ku maqan yihiin safar, sidaasina uu dib ugu dhacay shirka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale xusay in markale xildhibaanada ay isku imaan doonaan 12-ka June, wuxuuna ugu baaqay kuwa maqan inay soo gaaraan Muqdisho.

Sida qorshuhu ahaa kulankani ayaa waxaa looga hadli lahaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale ajendaha ayaa waxaa qayb ka ahaa dhaarinta laba ka mid ah Xildhibaannada cusub, sida lagu shaaciyey fariin wargelin ah oo xalay loo diray xildhibaanada.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka horyimid baaqashada ku timid kulankii ay maanta lahaayeen, iyaga oo shaaciyey inay tahay arrin nasiib darro ah.

“Safarka wafdiga Madaxweynaha waxba kama gelin xildhibaanada, waana nasiib darro in maanta howlihii loo soo doortay ay ka maqan yihiin” ayey tiri Xildhibaan Seynab Caamir.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco, balse kulankan ayaa ahaa koodii ugu horreeyey marka la eego kadib doorashooyinkoo soo dhamaaday ee dalka.