26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Kullamo ka socda Villa Somalia iyo CC iyo Xasan Sh. oo loo kala dab-qaadayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu dhex maray Madaxweyne Xasan, Jawaari iyo xildhibaanno iyo xubno kale oo madaxweynaha ku dhow.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ay uga arrinsanayeen isfaham waa yar oo ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, kaasi oo ku saleysan hanaanka lagu soo magacaabayo golaha wasiirada xukuumada cusub.

Madaxweynaha ayaa waxa uu arrintaasi usoo bandhigay mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay si ay uga talo bixiyaan, kadib markii R/W Cumar diiday liis gole wasiiro oo uu soo gudbiyey madaxweynaha.

Jawaari iyo xildhibaanno kale, ayaa kadib markii ay dhageysteen hadalka madaxweynaha waxa ay sidoo kale kullan la qaateen Cumar Cabdirashiid, oo ay kala hadleen ismari waaga ka taagan magacaabista golaha wasiirada.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu aad u diidan yahay qaabka uu madaxweyne Xasan usoo xulayo golaha wasiirada cusub, oo uu ka buuxiyey xubno isaga is-baheysi la ah, isaga oo CCC hoosta ka geliyey liis aysan ku qanci doonin beelaha Soomaaliyeed ee wax qeybsiga uu ka dhexeeyo, oo lagu saleeyey nin jecleysi.

Wax war ah lagama hayo waxyaabaha ay Jawaari iyo xildhibaanada kala hadlayeen ra’isul wasaaraha dalka iyo mowqifkiisa ku aadan golaha wasiirada cusub.

Waxaa durbaba soo ifbaxaya in R/W CCC uu qaadayo talaabooyin uu isaga diidayo damaca madaxweynaha ee ah inuu faraha la galo howsha soo xulista golaha wasiirada cusub, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafku xoogeysto haddii uusan Xasan Sheekh tanaasulin.

Halkan ka aqri liiska wasiirada uu diiday R/W Cumar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News