Xog: R/W CC oo diiday liis gole wasiiro oo uu soo gudbiyey Xasan + Magacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa iska diiday liis ay ku qoranaayeen golaha wasiirada cusub oo uu madaxweyne Xasan Shekeh u gudbiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Liiskan ayaa magacyada ku jiray waxaa u badnaa rag aad ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku jiray golihii wasiirada ee xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo xildhibaano madaxweynaha ka caawiyey riditaankii cabdi Weli.

Magacyada ku jiray liiska waxa ka mid ah:-

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam
Maryan Cariif Qaasim
Faarax Sheekh Cabdulqaadir
Cabdiraxmaan Bayleh
Cabdikariim Xuseen Guuleed
Maxamed Cabdi Maareeye
Daahir Amiin Jeesow
Xuseen Cabdi Xalane
Saciid Jaamac Qoorsheel
Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil
Burci Maxamed Xamza
Daa’uud Maxamed Cumar, iyo qaar kale

Sida Caasimada Online loo sheegay, ra’iisul wasaaraha ayaa weydiiyey madaxweynaha in liiska uu usoo gudbiyey uu yahay amar ama talo soo jeedin, waxaana la sheegay in madaxweynaha ku jawaabay inuu yahay talo soo jeedin.

Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay madaxweynaha inuusan aqbali karin liiskaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa sida ay wararku sheegayaan doonaya in wasiiradii iyo xildhibaanadii taageersanaa Cabdi Weli uu kusoo daro liiska wasiirada, uuna taas u arko mid wax isku soo dhoweyn karta, kana caawin karta in wasiirada la ansixyo.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in kadib ay wado-hadallo meel dhexe isugu imaad ah u socdeen, lana filayo in wasiirada lagu dhowaaqo, inkasta oo aan la ogeyn inay xal gaareyn iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com