Wada-hadallo ka dhacay Villa Somalia oo fashilmay & Kay oo damasan inuu..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in shir xasaasi ah oo habeenimadii xalay halkaasi ka dhacay uu kusoo idlaaday fashil, wax horumar ahna laga gaari waayey.

Shirka ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Nicolas Kay, waxaana la sheegayaa in Nicolas Kay uu kullanka xooga ku saaray inuu meel dhexe isugu Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowladda, balse uu ku guul darreystay.

Nicolas Kay ayaa awoodi waayey inuu madaxweynaha ka dhaadhiciyo in xeer jajab lagu dhammeeyo arrinta, waxaana Xasan Sheekh uu ku adkeystay in waxa kaliya ee uu aqbalayo ay  yihiin in Cabdi Weli uu ka laabto isku shaandheynta wasiirada, sida ay xubno ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in Kay ay u badan tahay in iminka uu Cabdi Weli ku cadaadiyo in isaga uu tanaasul sammeeyo, ayada oo sida la sheegay uu aaminsan yahay inuu isaga ka fudud yahay madaxweynaha.

Waxaa la filayaa in Kay uu mar kale saaka dib u billaabo inuu la hadlo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, asaga oo ka cabsi qaba in khilaafkan uu saameyn karo horumarka dowladda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com