Kulan khaas ah oo Villa Somalia uga socda Abiy Ahmed iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu iminka kulan khaasa uga socdo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Kulanka Villa Somalia uga socda labada mas’uul ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid uu albaabada u xiran yahay.

Weriyayaasha ku sugan Madaxtooyada ayaa banaan joog ka ah shirka labada mas’uul uga socda Villa Somalia, iyadoo hakat la galiyay isu socodka gudaha Villa Somalia.

Warar hoose ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul looga wada hadlaayo arrimo ay kamid yihiin Xiriirka labada dal, Amniga, Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka iyo In Somalia lagu caawiyo dhameystirka baahiyaheeda.

Qodobada sida gaarka ah kulanka diirada loogu saari doono ayaa waxaa kamid ah Khilaafka Imaaraadka iyo Somalia iyo In Ethiopia ay kaalin weyn ka qaadato horumarka Somalia.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu socdaalkiisa Muqdisho yahay mid ku xeeran xiisada Siyaasadeed ee Somalia kala dhexeeya Imaaraadka kaa oo ka dhashay Khilaaf Siyaasadeedka dalalka Khaliijka.

Sidoo kale, Wasiiradda ka socda dowladda Ethiopia ee wehlinaaya Abiy Axmed ayaa kulamo kala duwan la leh Wasiiradda xukuumadda Somalia.

Wafddiga Ra’isul wasaaraha Ethiopia waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Ethiopia.

Ammaanka Xarunta Madaxtooyadda iyo Xayndaabkeeda ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada kala duwan ee dowladda.

Geesta kale, Kulanka labada mas’uul kadib ayaa lagu wadaa in labada Dowladood ay kala saxiixdan Heshiisyo hor leh oo kala xadidi doona labada dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com