29.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

“Kuraasta Somaliland laga siiyay aqalka sare waa qalad weyn”…!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqidsho (caasimada Online) – Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qeybsiga lagu sameeyay aqalka sare ee baarlamaanka iyo qaabkii yaabka badnaa ee looga qadiyay gobolka Banaadir oo malaayiin ruux ay ku nool yihiin.

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa wuxuu ka hadlay qeybsiga aqalka sare ee baarlamaanka iyo qaabka madaxda sare ee dowlada iyo maamul goboleedyada ay iskugu fahmi waayeen maqaamka Muqdisho.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in aqalka sare ee baarlamaanka lagu soo daraa xubno Somaliland matalaya maadaama uu sheegay in Somaliland aysan marnaba ka qeyb galin shirarka madasha wadatashiga ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

“Waa qalad siyaasadeed oo ay galeen madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada maadaama Somaliland hadda aysan ka qeyb galin shirarka madasha, waxaan sidoo kale la yaab ah in Somaliland  oo sheegta ineysan Somalia kamid aheyn la isku dhajiyaa lana qadiyaa gobolka dowlada dhan degen tahay”ayuu yiri aqoonyahanka.

Dhinaca kale aqoonyahanka ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in kuraas dheeraad ah loogu daro Somaliland iyo Puntland islamarkaana waxba aysan soo kordhneynin qancinta labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News