ONLF oo ka hadashay xasuuqa ay Ethiopia u geysatay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF oo dagaal adag kula jira dowlada Ethiopia ayaa ka hadlay xasuuqii dhawaan ciidamada Ethiopia ay ka geysteen deegaanka Gaashaamo ee dhanka xuduuda, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Taliyaha ciidamada ONLF ee gobolka Jarar dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia Sheikh Cabdulaahi Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xasuuqa Ciidamada Ethiopia ay geysteen muujineyso cadaawada ay u qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

Weerarka ciidamada Ethiopia oo ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Burco ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 50 ruux iyadoo ay ka barakaceen deegaanka dad kale oo badan.

“Ciidamada Haraadka qaba ee Liyuu boolis iyo cadowga Ethiopia ayaa ka dambeeya xasuuqa, dowladaha Xabashidana wax bey ka og tahay dhibaatada shacabka loo geysanayo”ayuu yiri Sheikh Cabdulaahi Xasan.

Deegaanka Jaamac Dubad oo qiyaastii 220 Km u jira magaalada Burco  waxaa ciidamada Ethiopia ay ku laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com