Pyongyang (Caasimada Online) – Kuuriyada Waqooyi ayaa ka hadashay liiska xayiraadda socdaalka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka uu saaray Soomaaliya iyo 11 dal oo kale, kaasi oo si lama filaan ah looga reebay Pyongyang.
Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadii sheegtay in aanay wax dan ah ka lahayn in lagu daro ama laga reebo liiska Maraykanka ee waddamada dadkooda laga mamnuucay inay Mareykanka u soo safraan, sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaas.
Inkasta oo Pyongyang aan lagu darin liiskaas, haddana Wakaaladda Wararka ee Dhexe ee Kuuriya (KCNA) ayaa daabacday war jawaab u ah go’aankii Madaxweyne Donald Trump uu dhowaan ku shaaciyay xayiraad safar oo lagu soo rogay 12 waddan, oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Afghanistan, Myanmar, Haiti, Iran, Suudaan iyo Yemen.
Trump ayaa ku sababeeyay tallaabadaas — oo dhaqan gashay Isniintii — in ay qayb ka tahay dadaallada lagu difaacayo dalka lagana hortagayo “argagixisada shisheeye” iyo khataraha amni.
Warbixin la daabacay bishii Maarso ayaa muujisay in Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka sidoo kale laga fakaray in lagu daro liiska, balse ugu dambeyn laga reebay.
KCNA ayaa sheegtay in laga yaabo in aan lagu darin Kuuriyada Waqooyi liiska ay muujinayso istaraatijiyadda Maraykanka ee ah “ul iyo toon”, taasoo ujeedkeedu yahay in dib loo furo fursadda wadahadal.
Pyongyang ayaa intaas ku dartay in keliya Maraykanka uu caddeyn karo sababta looga reebay liiska — ha ahaato mid farsamo ama mid siyaasad — balse waxa la hubo, ayay tiri, waa in “anaga ahaan, aan gebi ahaanba wax xiiso ah u qabin arrinta gelitaanka Maraykanka.”
Xitaa haddii maamulka Maraykanka ee hadda jira uusan si ula kac ah ugu darin Kuuriyada Waqooyi liiska waddamada laga mamnuucay socdaalka, Pyongyang arrintaas ma danaynayso mana aragto sabab ay ugu faraxdo, sida lagu sheegay warbixinta KCNA.