Laba arrin oo 3 dhibaato oo weyn ku haya shacabka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya askari-nimada badi qorta oo ciidanka ku biira balwadaha maanka-dooriya, dadka dilalka soo geystay ee raba qori ay gabaad ka dhigtaan iyo dadka ugu dhibka badan bulshada dhexdeeda oo qoysaska maaro u waayeen.

Micnaha dilaa, daroogiista iyo dulmi-low ayaa loo xil saaray inay dal iyo dad ilaaliyaan. Iyada oo aan la inkiri karin inay dhinaca kale jiraan askar dhowrsan oo ka fog balwad, dil iyo dibin-daabyo umadeed, haddana waa tiro aad u yar dadka wanaaga loo yaqaano ee ciidanka dowladda qortay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Tani waxay dhashay askari dilaya shacabka, mid dhacaya iyo mid iibsanaya dhiigooda oo la shaqeysanaya argagixisada.

Weli waxa socda dilalka ay askarta dowlada u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka degan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Shalay isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho ciidan la sheegay inay kamid yihiin askarti dhawaan laga soo celiyay waddanka Eritrea ayaa dilay wiil arday ahaa, xilli ay rasaas fureen wadada oo mashquul aheyd.

Saddex cisho kahor degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho wiil bajaajle ahaa ayaa waxa dilay askarta dowladda.

Shacabka iyo qaar kamid ah khubarada amniga waxay dilalkan soo batay u sababeynayaan daroogada sida xoogan ugu baahday guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Shuruudaha laga rabo qofka ka mid noqonaya ciidanka dowladda Soomaaliya kuma jirto in uusan daroogo isticmaalin askarigu, dalkana si xawli ah ayay daroogadu usoo gasha maalin walba.

In dagaal lagu qaado daroogada ama ciidanka ku qoran amnniga caasimada laga dhigo kuwa daroogo ka caagan oo gaar loo soo xulay ayaa kamid ah tallooyinka bad-baadada ah ee ay farta ku fiiqayaan dadweynuhu.

Dilaa hore oo sharci dowladeed helay, oo qori iyo qamri isku wata cid walba ayaa cabir ka qaadan karta waxa uu kharibi karo.

Muqdisho intaan ka badan ma xamili karto qori iyo qamri wada qarameysan, waxaana dowladda federaalka laga rabaa maadama ay muuqato waxa sababaya dhibaatadan joogtada ah in xalka toos u abaarto.