Laba arrimood oo sababay kororka weerarada Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka iyo sidoo kale dalalka dariska, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Haddaba maxaa sabab u ah kororka weerarada Al-Shabaab?

Cabdirixiin Budul oo ah falanqeeye ka soo jeedo deegaanka Soomalida ee Itoobiya ayaa ka hadlay kororka ku yimid weerarada Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in kooxdu ay ka faa’iideysaneyso xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan wajaheyso dagaallo sokeeye iyo dhibaatooyin kale.

“Anniga aragtideyda waxa ay ila tahay Al-Shabaab xilligaan waxa ay ka faa’iideysaneysaa marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ee siyaasaddeeda ku timid, waxaynu ognahay in xukuumaddii hore la beddelay, xukuumad cusubna la doortay, welina dhismaheeda uusan dhammeystirmin xilligaas kala guurka ah oo uu nimdaamka dowliga xooganeyn ayaan annigu is leeyahay fursad ayey u arkaan,” ayuu yiri falanqeeye Cabdirixiin Budul.

Budul ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in laba sababood ay keeneen kororka Al-Shabaab, tan koowaad wuxuu ku sheegay inay arkeen in aysan haatan wanaagsaneyn wada-shaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, tan labaad ayuu ku sheegay inay is tuseen in Itoobiya ay hadda jilicsan tahay, marka loo eego xaaladaha adag ee ka jira dalkeeda.

“Waxay sidoo kale taas keentay in Itoobiya oo ay is leeyihiin wada shaqeyntii ay la lahaayeen Soomaaliya ma wanaagsana xilligaan, ayadana dagaallo sokeeye iyo dhibaatooyinbaa ka jira oo waa xilligi ugu jilicsaneyd Itoobiya, marka labadaasi sabab oo ay labada dowladood ka qaateenbey ila tahay inay dagaalladooda kor u qaadeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Soomaaliya qaraxyadii ayey ku badiyeen, xaggaana weeraro toos ah ayey ku soo qaadeen, marka sidaa ayey is tuseen ayey anniga ila tahay,”.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa shaley waxay qarax ku dishay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa, dhowr qof oo kale way ku dhaawacmeen, ayada oo ay ka sii horreysay qaraxii lagu dilay guddoomiyihii maamulka degmada Marka iyo masuuliyin kale, sidoo kale dagaalkii ay ku qaadeen buuraleyda gobolka Afdheer ee Itoobiya ayaa socda.