Laba askari oo ku geeriyooday Muqdisho, kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba askari oo maanta si kadis ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii uu la rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Gaariga ayaa shilka ku galay xaafadda Soos ee degmada Heliwaa, waxaana la socday ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan laba askari oo baabuurka saarnaa, halka ay ku dhaawacantay haweeney waddada socotay.

Haweeneyda oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa la socotay Mooto Bajaaj, waxaana si deg-deg ah loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii ay la socdeen ciidamada ee ku rogmaday xaafadda Soos ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan shilkaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Gawaarida ciidamada ayaa marka ay marayaan magaalada dhexdeeda waxa ay usocdaan si xowli ah taasi oo mararka qaar sababta dhibaato soo gaarta askarta & dadka shacabka ah.