Farmaajo iyo Shariif oo qoraal wadajir ah ku shaaciyey in Xasan Sheekh uu ka diiday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa sheegay inay fashil kusoo dhammaadeen dadaallo ay wadeen, isla markaana ay ku doonayeen inay ku dhex dhexaadiyaan Xasan Sheekh iyo Saciid Deni.

Warsaxaafadeedkooda ayay Farmaajo iyo Shariif ku sheegeen in labada nin ay isugu keeneen khadka taleefoonka, kadibna lagu ballamay in gogol la’isugu yimaado, balse ay ka fashilantay dhanka Villa Soomaaliya, maadaama lasii waday dooda dastuurka KMG ka ah.

Labada madaxweyne ayaa ku eedeeyey Xasan Sheekh inay dhankiisa wax ka socon waayeen, iyaga oo si gaar ah u sheegay inuu ka dhaga adeegay inuu dib u dhigo arrinta wax ka beddelka dastuurka oo haatan ah waxa ugu weyn ee ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Puntland.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoose ka akhriso:-

Warsaxaafadeed,

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

  1. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  2. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

13-ka Febraayo, 2024