Sawirro: Xasan Sheekh oo arrimo culus kala hadlay taliyaha militeriga Talyaaniga

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga  hadlay iskaashiga  amni ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Taiyaha ayaa ka wadahadlay xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan kale oo gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga Gen, Giuseppe Cavo Dragone oo Booqasho ku jooga Soomaaliya.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin  Taliyaha Ciidanka XDS iyo dhigiisa Dalka Talyaaniga ayaa ka wadahadlay xiriirka iskaashi ee labada ciidan ee dhanka tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Taliyaha Milateriga Talyaaniga  ayaa balan-qaaday in Dowladiisu ay kaalin buuxda ka qaadan doonto tababarada iyo dhismaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa kaga mahad-caliyay dhigiisa dalka Talyaaniga booqashada uu ku yimid dalka Soomaaliya, waxuuna ku tilmaamay kaalin aan la hilmaami karin garab istaaga dhanka Ciidan iyo tan bulshada oo ay ka wadaan Soomaaliya.