Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.
Wasiir Xoosh ayaa labo bil howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood. Xoosh ayaa libin siyaasadeed taariikhi ah kala soo laabtay safarkiisa.
Wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha dowlad-goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tallaabadan oo qeyb ka ah federaaleynta dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Soo dhaweyntan ayaa waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka Wasaaradda; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Ku-xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha Guud, Caydaruus Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.
Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminya 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.
Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.

