Laba dhinac oo hortaagan lacag cusub oo ay DF soo daabaceyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Federaalka Soomaaliya c/raxmaan Sheekh Cali Yuusuf (Ceynte) ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya lacago cusub oo ay daabacato ay ka hor taagan tahay Bankiga Aduunka iyo Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF.

Wasiir Cente ayaa sababta ku sheegay hadii Soomaaliya ay daabacato lacago cusub inuu imaanayo isbedel dhanka dhaqaalaha ah iyo sicir barar wax kasta ku yimaada, isagoo sheegay in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya xilligan uu ku howlan yahay sameynta lacago cusub oo dalka uu yeesho

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta arimo ku aadan in lacago cusub dalka Suudaan lagu soo daabaco hayeeshee caqabado jiro awgeed lacagtaasi ay suuragal u noqon weyday in Soomaaliya la keeno.

Lacagta keliya ee hada dalka laga isticmaalo ayaa ah Kunka Shilling So, iyadoo aysan jirin lacago kale oo Shilling Soomaali ah oo dalka laga isticmaalo marka Dollarka oo si aad ah mudooyinkii u dambeeyay  ay dadka u isticmaalayeen.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/08/ceynte.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com