Xasan: Dadku waxa ay imoodan in aan hurdo weysa arki doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay in inta badan dadku ay yihiin kuwa mooda inuu jiifo balse ay indhahooda ku arki doonaan waxa uu yahay ujeedkiisa.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dadku ay is weydiinayaan waxa uu uga hadli la’ yahay ololihiisa, balse aamusnaantiisa ay tahay mid ay ku hoos duugan tahay Siyaasad.

Waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay in mar kale uu dalka ka noqdo Madaxweyne, isla markaana aysan jirin cid uu alle uumay oo qorshihiisa is hortaagikaro, sida uu ka sheegay kulan ka dhacay Madaxtooyada Somalia.

Waxa uu sheegay inuu ahaan doono Madaxweynaha cusub ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee iminka xulistiisa ay socto.

”Dadku waxa ay imoodaan inaan ahay nin jiifa aamusnaanteydu waa mid ay ku hoos duugan tahay Siyaasad aan iminka la fahmi doonin balse wakhtiga soo socda idiin muuqan doonta”

”Ma filaayo inaan guul dareysan doono waxaana halkaani ka cadeynayaa inaan ahay Madaxweynaha hadda iyo kan cusub ee imaan doona waa arrin mar hore dadaalkeeda laga soo shaqeeyay”

Xassan Sheekh inta ay soctay Khudbadiisa gaaban ku celcelshay inuu noqon doono Madaxweynaha xilka isku wareejin doono, waxa uuna carab dhabay in dalka uusan ka talin doonin cid aan isaga aheyn.

Haddalka Madaxweynaha ee ku aadan inuu soo laaban doono ayaa ah mud u muuqda hanjabaad ku dadban oo uu u diraayo Musharaxiinta kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com