Mahad Salaad: “Faarax C/qaadir muuqaalkiisa waa uu is-beddelay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somalia Mahad Maxamed Salaad, oo ka hadlaayay kulan ka dhacaayay Villa Somalia, ayaa sheegay in muuqaalka Xildhibaan Faarax C/qaadir uu isbedelay sida ay wax uga sheegayeen Warbaahinta Soomaalida.

Mahad Maxamed Salaad, ayaa sheegay in Saxaafada Somalia ay aad uga hadasho Faarax C/qaadir taasina ay keentay in Xildhibaan Faarax uu isbedelo sababo la xiriira hujuumka kaga imaanaya dhanka warbaahinta.

Mahad Salaad, waxa uu tilmaamay in warbaahintu ay qaabab kala duwan usoo qaatan arrimaha la xiriira Xildhibaan Faarax, taasina ay keentay in cabsi ku beerantay Faarax, sidaana uu isku bedelay muuqaalkii horay looga heystay.

Mahad Salaad, ayaa si kaftan ah u sheegay in Saxaafadu ay fara adag ku heyso Faarax C/qaadir, hayeeshee uusan garaneynin sababka ka danbeysay in Xildhibaanka ay diirada u saaran.

Mahad waxa uu tilmaamay in maalin waliba ay Saxaafadu wax ka qorto Faarax C/qaadir, haddana uusan garankarin sababta iyo halka ay xogaha ka helaan, taasi oo ugu wacan in Xildhibaan Faarax C/qaadir gabi ahaan isbedel muuqda ku imaado muuqaalkiisa saxda ah.

Haddalka Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Somalia Mahad Maxamed Salaad, ayaa u muuqda mid si dadban loogu duraayo Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com