Video: “18 Maalin kadib Xasan oo shacab ah ayaad arki doontaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele oo ah siyaasi si weyn looga yaqaan Soomaaliya ayaa dhaliilay nidaamka dowlada Xasan Sheikh ay ku qabsatay dalka Soomaaliya, waxaana uu ka hadlay laaluushka markale la doonayo in dib loogu soo doorto Xasan Sheikh.

Salaad Cali Jeele, oo aan ka gaban dowlada Xasan Sheikh ayaa ka sheekeeyay qaabka dowlada Xasan Sheikh dalka ku qabsatay, wuxuuna sheegay in kooxda Damjadiid ay dhaqaalo badan ku bixisay sidii xukunka dalka ay ula wareegi lahaayeen.

Ku dhawaad Shan Milyan oo doolar ayuu sheegay in kooxdaasi ay kasoo qaadatay dowlada Qatar, iminka dalka ay u joogaan fulinta mashaariicda dowlada Qatar iyo dowlado kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Kooxda Damjadiid waad taqaaniin laakiin hal hal uma taqaaniin balse waad maqasheen, kooxdaasi lacag Shan Milyan ayay Qatar kala timid, shaqadeedeey ku fushatay mashruu ayayna ka dhigatay, annagaa dalka u sareyso ayaad leedihiin adinkana Mashruuc ayaa idinku socdo, waxaadna ka garan kartaa Muqdisho ninkii Kuraas la’aan dhigay”ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

Sidoo kale Salaad Cali Jeele wuxuu sheegay in marka uu qiimeeyay sida ay wax u socdaan iney usoo baxday inaan dib loosoo dooran doonin madaxweynaha iminka talada dalka haya ee Xasan Sheikh Maxamuud.

Hoos ka daawo muuqaalka

https://www.youtube.com/watch?time_continue=363&v=nJ-U9INAZnw

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com