Xog: Saddex madaxweyne oo biil looga qoray dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay in lacag bil kasta ah uu u qoro qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa lacagtan bil walba laga siiyaa dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Gaas waxa uu qaataa 200,000 oo dollar, halka Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay bil waba ka qaataan 100,000 oo dollar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhaqaalaha oo dhowr bil kahor uu Xasan u billaabay madaxdan ayaa qeyb ka ah qorshe socda oo uu doonayo inuu taageero kaga helo, xilli uu rabo inuu kursiga kusoo laabto.

Waxaa la-yaab leh in shaqsiyaadka lacagtan loo qoray uusan ku jirin madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, oo maalmihii dhowaa xiriirka isaga iyo Xasan uu xumaa.

Guuleed ayaa madaxweynaha ay isugu dhaceen arrimaha Puntland, oo madaxweynaha bilihii dhowaa uu u muuqday inuu isku dhiibay maamulkaas.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuusan ku qanacsaneyn lacagta la siiyo isaga oo ku dooday in Gaas iyo Axmed Madoobe ay qabaan dekedo uu dhaqaale kasoo galo, ayna ahayd in lacagta ugu badan isaga la siiyo.

Waa astaan kale oo muujineysa hoggaan xumada Xasan, oo lacagtii shacabka gobolka Banaadir ku biilaya madax ka lacag badan, xilli dad badan ay ku gaajeysan yihiin magaalada, ciidamada dowladdana aysan mushahar qaadan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com