Xog: Madaxweyne Xasan oo dib u dejin ka dalbadey dal carbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si hoose xiriir ula yeeshey dowladda Imaaraadka, isaga oo ka codsadey in marka xilligiisu uu dhamaado ay dib udejin siiyaan isaga iyo qoyskiisa, haddii aan dib loo dooran.

Xasan ayaa la heley qoraalo dhex maray diblomaadsiyiin ka tirsan wasaaradda khaarijiga ee Imaaraadka, kuwaasi oo uu kala hadley in aysan sii joogi karin isaga iyo qoyskiisaba gudaha dalka marka xilligiisa uu dhamaado.

Madaxweynaha ayaa raja beel ka muujiyey oo u xaqiijiyey diblomaasiyiinta Imaaraadka inaan dib loo dooran doonin oo ay u muuqato inuu lumiyey kalsoonida xildhibaanada oo uu saadaaliyey iney soo laaban doonaan in ka badan kala bar inta maanta katirsan barlamaanka, oo ay u muuqato ineysan codkooda siin doonin.

Sidoo kale waxa uu raja beel ka muujiyey maamul goboleedyada, xubnaha dowladdiisa oo siyaasad isaga ka dhan ah ku mashquulsan, reer galbeedka oo uu Maraykanku horboodayo, Q.M iyo dalalka deriska oo dhammaantood u muujiyey iney ku qanacsan yihiin inuu baxo madaxweynaha marka xilligiisa uu dhamaado, Soomaaliyana ay hesho madaxweyne isku heyn kara qaybaha kala duwan ee dalka, xalna ka gaari kara mashaakilka dowladdan ay abuurtay afarta sano uu madaxda ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Culees dhinaca beesha caalamka ah, beelaha Hawiye ee uu kasoo jeedo madaxweynaha iyo maamulada dalka ka jira ayaa keeney in uu raja beel muujiyo madaxweyne Xasan oo xitaa isku heyn kari waayey kooxdiisii Dam-jadiid oo laba isku khilaafay.

Xasan ayaa la filayaa inuu doorashada dalka isaga oo rumeysan in looga adkaan doono, waana taas sababta uu magan-galyada usii dalbaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com