Dhacdo fool-xun: Aabe labadiisa ilmo surka uga jaray deegaanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani foosha xun ayaa waxa ay ka dhacday dalka Kenya kadib markii Aabe dalkaasi u dhashay uu sarka kajar laba carruur ah oo uu dhalay islamarkaana cabay dhiigooda.

Aabaha falkaani foosha xun ku kacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Bugesi Okero, waxaana ficilkaasi kadib Aabaha toogtay ciidamada Booliska oo ku sugnaa goob aan sidaa uga sii fogeyn halka uu falka ka dhacay.

Falkaani foosha xun ayaa ka dhacay tuullo ku taalla deegaanka Nyamira, waxa uuna Aabahaasi argagax lixaad leh galshay dadka deegaanka iyadoo inta badan dadka tuulada ay isaga carareen hooygooda marka ay falkaasi maqleen.

Ciidamada ayaa dilka aabahaasi ka hor hooyga ka dhex helay Mindiyo, Koobab lagu cabay dhiiga iyo dhar jeejeexan oo la sheegay in lagu fududeeyay gowraca carruurtaasi, waxa ayna ciidamadu tuullada kusoo bandhigeen dhammaan alaabihii cadeynta u ahaa gowraca carruurta.

Saraakiisha oo dhaga dhageeyay xaalada qoyska ay musiibadu soo foodsaartay ayaa waxa ay ka warheleen in Mr Bugesi Okero oo ah ninka gowracday carruurtiisa ayaa waxa ay ogaaden in Okero xaaskiisa ayaa horay uga carartay guriga taasoo booliiska iyo deriska iyo qaraabada u dhow ay sheegeen in ay ahaayeen lamaanaha kuwa si joogto ah uu khilaaf uga dhexeyn jiray.

Bugesi Okero, ayaa sidoo kale la sheegay in lagu tuhmaayo in horay uu u gowracay carruur kale oo kamid ah dadka deegaanka Nyamira, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Dalka Kenya ayaa waxaa kusoo badanaaya walidiinta cuna carruurtooda taasi oo walaac gaara galisay dowlada iyo dadka deegaanka ee ka badqaba xanuunada ka dhasha cunista carruurta.

Geesta kale, deegaanka Nyamira ayaa noqonaaya deegaanka ugu badan ee lagu maqaar siibo carruurta iyadoo ay xusid mudan tahay in tuulooyin hoostaga deegaankaasi Nyamira ay ku noolyihiin dad reer mii ah oo aan ka xishoon dhaqanada lidka ku ah noolaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com