Maxaad kala socotaa qorshaha safarka Xasan ee ABU DHABI

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta kulan aan caadi aheyn kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Imaaraadka oo uu ugu horeeyo dhaxal sugaha dalkaas Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala-Nahyan.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in dalka Isutaga Imaaraadka uu u gaaray arrimo gaar ah oo la xiriira ololihiisa doorasho, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in safarkiisa magaalada Abu Dubai uu yahay mid uu ku doontay dhaqaale la sheegay inay u ballanqaaday dowladda Abu Dubai.

Madaxweyne Xassan ayaa kulan gaar ah la qaatay wadaadka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala-Nahyan oo ah dhaxal sugaha dalkaasi, waxa ayna kawada hadleen arrimo dhowr ah, waxa uuna Xassan Sheekh dhaxal sugaha dalkaasi u cadeeyay inuu yahay mid rajo aad u weyn ka qaba in mar kale uu soo laabto.

Xassan Sheekh, ayaa sidoo kale dhaxal sugaha dalkaasi u sheegay in dowlada Somalia ay sare u qaadi doonto xiriirka labada dal, waa haddii ay dhacdo inuu ku guuleysto doorashada la filaayo inay dhacdo dhawaan.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday inay dib u dejin u sameeyaan asaga iyo qoyskiisa, haddii doorashada looga adkaado.

Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala-Nahyan, ayaa Xassan Sheekh ugu bishaareeyay in kor loo qaadi doono mashaariicda dowlada Imaaraadka Carabta ay ka fuliso Somalia si looga shaqeeyo Horumarka Somalia.

Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala-Nahyan, waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay suuragalnimada in mar kale uu soo laabto Xassan Sheekh, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, aminga iyo taageerada Imaaraadka Carabta uu siinayo Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in magaalada Abu Dubai uu kala soo laaban doono dhaqaale ay horay ugu ballanqaaday dowlada Imaaraadka, taasi oo uu Xassan Sheekh uga bixi doono doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com