Dhallinyaro Kirishtanimo loogu xiray magaalo ka mid ah Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland  Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in wasaaradiisu ay qabatay dhallinyaro ay uga shakiyeen inay qaateen diinta masiixiga ah, kuwaas oo lagu xiray xabsiga dhexe ee  Hargeysa .

Wasiirka wasaaradda diinta Sh. khaliil Cabdillaahi oo su’aalo lagu weydiiyay xarunta golaha  Guurtida Somaliland, shaqadiisa wasaaradda wax laga warsaday ayaa waxa uu  si gaar ah farta ugu fiiqay iney jiraan dhalinyaro ay qabteen oo lagu tuhunsan yahay iney diinta Masiixiga qaateen, waxa uu yiri, “Waxaanu ka baaraynaa astaamihii kiristaanimada ,  iyagana waxbaa laga qorayaa  waana la haynayaa intay la caddaynayo waxay yihiin”.

Dhallinyaradan oo uu wasiirku sheegay In guri ku yaalla Hargeysa dhexdeeda isku urursadeen  ka dibna halkaasi ay Boolisku kaga war haleen oo ay ku soo qabteen, waxuuna  xusay in la hayn doono inta uu socdo  baaritaankoodu.

Wasiir Khaliil ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay amar ay dhawaan soo saartay wasaaradiisa oo ku waajahan Timajarayaasha, kaas  oo ah inaan dhalinyarada loogu jari karin timaha qaabka kala dheer ee foodda ah, waxaanuu sheegay wasiirku in arrinkaa fulintiisa ay iska kaashan doonaan guddiga wanaag farista iyo xumaar reebista ee wasaaradda hoos yimaadda.

Arrinta ku saabsan qaabka timajarista ayaa waxa dood ka keenay ururrada xuquuq al insaanka qaarkood oo sheegay inay taasi ka hor imanayso xuquuqda aasaasiga ah ee shakhsiga.

Dhowaan ayay ahayd markii Caasimada Online ay shaacisay in kaniisad laga furay magaalada Hargeysa. Halkan ka aqri warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeys
Caasimada@live.com