Laba kursi oo Harti-Abgaal ay isku hayaan oo laga tegay xilli la shaaciyey doorashada kuraasta taalla JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashada HirShabeella ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo uu dhowaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kuraasta la shaaciyey, oo kala ah HOP005, HOP024, HOP033, HOP052, HOP070, HOP088, HOP097, HOP098, HOP106, HOP115, HOP140, ayaa dhammaantood ah kuraasta la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Jowhar.

Guddiga ayaan weli shaacin wax kuraas ah oo ka mid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo weli aanay caddeyn haddii halkaas doorashado ay ka dhici karto.

Guddiga ayaa dhanka kale dib u dhigay shaacinta laba kursi oo ka mid ah 13-ka kursi ee yaalla magaalada Jowhar, kuraastaas oo ay ka taagan tahay xiisad laga cabsi qabo inay dagala isku rogto.

Labada kursi ee dib looga dhigay ayaa kala ah HOP141, oo uu hadda ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyo HOP146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

HOP146 ayaa la rumeysan yahay inuu Cabdullaahi Maxamed Nuur uga tanaasulay Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo la sheegay in beeshu kursigan siisay.

Labadan kursi ayaa waxa uu ka dhaxeeyaa Beesha Suul Harti, laakiin waxaa ku fadhiya laba xildhibaan oo isku jufo hoose ah, taasi oo cabasho xooggan ay ka qabaan jufooyinka kale ee kursigan wax kale.

Xiisadda ka taagan arrintan ayaan weli xal laga gaarin, waana taas sababta dib loogu dhigay doorashada kuraastan.

Jufooyinka ka cabanaya in labada kursi ee HOP141 iyo HOP146 ay qaadatay hal jufo ayaa wacad ku maray inaysan ka tanaasuli doonin, waxayna ka digeen dagaal ka dhaca Jowhar haddii aan xuquuqdooda lasiin.