Sidee gudoomiyaha cusub ee gudiga doorashada ka yeeli doonaa cabashada taagan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal, Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliya BBC-da ayaa ka warbixiyey howlaha horyaallo oo ay ugu horreyso dadajinta doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan ka socota gudaha dalka.

Geelle ayaa sheegay inay ka guddi ahaa dadaal xoogan ku bixinayaan, sidii ay doorashada waqtigeeda ugu soo gabagaboobi laheyd marka la gaaro 25 Febraayo ee sanadkan 2022.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed ay xillgan ay u baahan tahay doorasho, isla-markaana ay gelin doonaan dadaal xoogan, sidii ay u dhici laheyd.

“Ummadda Soomaaliyeed maanta doorasho ayey u baahan tahay annaga waxaan ka wajaheynaa inay dhaqaajino, waana u badan tahay Insha Allah inay soo gabagabowdo xilligii loogu talagalay annaga waan ku dadaaleynaa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday cabashada ka taagan kuraasta qaar ee horay loo qabtay doorashooda, wuxuuna sheegay in go’aanka laga sugayo guddiga khilaafaadka.

“Cabashada kuraas uu dad ka cabanaayo iyada wixii khilaafaadka u gudbay qoladaas ayaa laga war sugayaa iyagaa go’aan ka gaari doono, laakiin wax kasta oo la qabto waa laga cabanayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Waxa kale oo uu hadalkiis kusii daray in cabashooyinka soo laabanaya aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin habsami socodka doorashada, ayna xallin doonaan tabashooyinka jira.

“Soomaaliya sideedaba waxaa jira siyaasado kala duwan marka cabashadaas guud wax dhib ah uma arko, doorashadana wax weyn oo ay ku sameyneyso oo garaafo ah ma jirto,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo shalay lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan inta badan maamul goboleedyada soo saareen liiska kuraas ka mid ah doorashada xubnaha cusub ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.