Laba sabab oo ITOOBIYA ku qasbi kara in ay ka laabato heshiiska SOMALILAND

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg, Itoobiya ayaa ka fakareysa inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay hindisahan.

Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. 

Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka Masar iyo dalal kale ay ku baaqeen feejignaan. 

Balse Itoobiya iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama aysan hadlin ka laabashada heshiiska. 

Haddaba ma jiraan sababo ku qasbi kara Itoobiya inay ka laabato heshiiska?

“Waxaa ku kallifi kara laba arrimood oo waaweyn. Tan ugu weyn ayaana ah culeyska kaga yimid diblomaasiyadda gaar ahaan dhinaca Mareykanka, Midowga Africa iyo Turkiga oo hadda Soomaaliya la saxiixday xiriir qoto-dheer oo xitaa taabanaya xagga difaaca, middaas waa midda diblomaasiyadda iyo arrimaha kaga yimid adduunyada,” ayuu yiri Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha geeska gaar ahaan Itoobiya. 

“Tan labaad waxaa weeye Itoobiya gudeheeda oo xaalada adag ku jirta dagaallana ka socdaan iyo adduunkii oo Itoobiya ku oranaya haddii aad rabtaan inaad adduunka kale gaar ahaan Mareykanka iyo IMF la macaamishaan waa inaad marka hore dejisaan arrimaha gudihiina ah marka labadaas ayuu ugu waaweyn arrimaha ku khasbi kara inuu Abiy ka noqdo heshiiskaas, waaba haddii uu ka noqdaba,” ayuu hadalkiisa raaciyay Feysal oo la hadlay BBC-da.

Heshiiska is-afgaradka oo la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, ayaa qorshuhu ahaa in lagu fuliyo bil gudaheed, waxaana hadda socota bishii saddexaad. 

Balse Somaliland ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in heshiiskaas in uu fuli doono, waxaana uu wasiirka warfaafinta sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu guddi u saaray sidii heshiiskaas ay ula lafa guri lahaayeen dawladda Itoobiya.

“Si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.