2 waa isu key qaban weyday ee dadow, maxaa ka khaldan isla xisaabtanka siyaasada Soomaaliya?

By Asad Cabdullahi Mataan

Weydiimaha  aan halkan idiin kugu soo gudbin doono waa mid war celintooda laga wada sugayo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan inta ay fahmada kasmadoodu gaarsiisan tahay garasho iyo danqasho xanbaarsan damiir waddaniyadeed.

Marka hore, waa lixqaade ila qabo tooshka baarista iyo ifinta waxyaabaha aad moog tahay ee kaa dahsoon, xisaabtuna sideedaba haddii aad ( 2 + 2 = ?) waa hubaal inuu maxsuulku noqonayo afar. Sidoo kale haddii aad ( 2 x 2 = ?) iyaduna jawaabtu waa un afar, haddiise ay sidaa noqon weydo gudcur baa jira arag la’aaneed, sidaa darteed xalka dibaloomaasiyadeed, waxaa iiga muuqata inuu sidaa ka duwan yahay oo ay xisaabta siyaasadeed ee Soomaaliya mar walba bixineyso jawaab khaldan iyo caddeyn la’aan ku hareereysan dhacdooyinka madmadowga leh ee ay ahayd in laga shaafiyo shacabka soomaaliyeed, taas oo ah mid aan weli dhicin oo ah caqabad  bulshada muddo dheer ku soo hor gudbaneyd welina sideedii u taagan!.

Bal in yar qormadeyda hoos u eeg oo maankaaga i amaahi. Arrimo fara badan oo aanad ogeyn baan ku dareensiiyaaye. Jasiiradda Soqadara oo u muuqata (Cape Guardafui ) minaaradda Baargaalna il muuqaal u jirta kana tirsan biyaha Soomaaliya, waxaa la yiri «Yamen baa iska leh» Soomaaliduna sidaa ayey ku qanacsan tahay oo kamaba hadasho in ay iyadu leedahayna maba oga oo wey ka indho saaban tahay ee ma horaa loo iibsaday oo xaraashka qarsoon ayey billow u aheyd, mise anaa mooday?, waa su’aal leys weydiin karo, laakin aniga taa waa isu key qaban weyday ee dadow maxaa khaldan?.

Dhulka iyo dadkii Soomaaliyeed ee horay loo oran jiray ( N. F. D ) madax Soomaaliyeed baa dowldda Kenya u saxiixday una xalaaleysay, iyada oo aan shacabka soomaaliyeed dhul boobkaasi loo sheegin baarlamaan laga ansixiyayna uusan jirin, kaasoo ilaa iyo hadda wax laga macaashay oo dhulkaasi bixintiisa lagu beddeshay aan la heynin, haddiise ay taasi horay u dhacday, waxaa yaab leh gumeysi cadowtooyadiisa ay gaarsiisan tahay in xuduudda noo dhaxeysa uu derbi ku ooto in ay haddana madax soomaaliyeed ku fekeraan qeyb ka mid ah badda in ay mar labaad u saxiixaan, qaarkoodna ay yiraahdaan dowladda soomaaliyeed xaq uma laha in ay kenya dacweyso maxaa yeelay biyahaasi ka hadalkooda maamul goboleed baa xaq u leh, taasoo ah mid xaqiiqada ka fog, anigu soomaalinimada iyo waddaniyadda nuucaasi ah waa isu key qabayn weyday ee dadow maxaa khaldan!?.

Dhulkii la dhihi jiray ( Howd ) haatanna loo yaqaanno kililka shanaad ee Itoobiya halgankii loo soo galay dadkii u geeriyooday wey xabaala dhaafeen oo malyuumaad naf iyo maal ah baa lagu waayay natiijaduna fara marnaan bey noqotay, maantana dhulkaasi calanka itoobiya ayaa ka dul babbanaya labada dhinacna farxad is weydaarsi baa ka dhaxeeya ee ma soomaaliya ayaa ka hartay sheegashadii dhulkaasi oo heshiis hoosaad aan shacabka loo sheegin baa jira, mise xooggii markii horaba lagu qabsady baa weli shaqeynaya, anigu labadaa wey isu key qaban weyday ee dadow maxaa khaldan, maxaase wax cad oo ay ku qancaan shacabka soomaaliyeed loogu sheegi la’yahay!?.

Soomaaliya in ay ku meel gaarkii ka soo gudubtay waa tallabo qarameed oo horay loo qaaday, sidoo kale in la dhisay seddexda tiir ee kala ah awoodda sharci dejinta, tan sharci ilaalinta iyo awoodda fulinta, intuba waa wax wanaagsan oo lagu faani karo, waxeyse is weydiintu tahay «Maxaa loo xusuusan la’yahay tiirka afaraad oo ah dhismaha maxkamadda sare, mise waanba la dooneyn oo ku dhaqanka musuq-maasuqa ayaa laga door biday» anigu kolleey arrinkaasi waa isu key qaban la’yahay ee dadow maxaa khaldan!?.

Dalku wuxuu leeyahay indheer garad iyo aqoon yahanno dotoorro iyo barafasoorro waa weyn wada ah oo canshuurtii hooyada dan yarta ah laga qaaday wax ku soo bartay, kuwaasi oo haddii ay si waddaniyad leh ay u howl galaan Soomaaliya dhibta maanta ay ku jirto iyo buuraha hor yaalla si sahlan uga hor wareejin kara, waxaase kaa yaabinaya marka aad maqasho «Xildhibaan hebel iyo dotoor hebel dowlad heblaayo ayey si hoose u la shaqeeyaan, wasiir hebel iyo barafasoor hebelna dowlad heblaayo ayaa wadata, shacabkuna kuwaasi ayey si qabyaaladeysan u kala taageeraan» runtii waad ka naxeysaa waana arrimo aan is qabaneyn ee dalka yaa u maqan, maxaase khaldan!?.

Madaxda soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba waxey mar walba yiraahdaan midnimada soomaaliya waa muqaddas, laakin taa beddelkeeda, waxaa barbar yaal somaliland oo sheeganeysa goonni isu taag ay soomaaliya inteeda kale kaga go’day iyo maamul goboleedyo hoos taga dowladda dhexe oo haddana goor kastaba ku celceliya ereyo lid ku ah jiritaanka qarannimada soomaaliyeed oo ah «Kalsoonida ayaan kala noqonnay iyo waan ka fiirsaneynaa ka sii mid ahaanshaha dowladda dhexe» sidoo kale waxaad arkeysaa madaxweynaha dowladda federaalka ah oo heshiis la soo galaya dowlado kale oo dibadda ah iyo madaxweyne maamul goboleed oo isaguna sido kale dowlado iyo hey’ado caalami ah la soo galayo heshiisyo u gaar ah, taasoo khilaafsan nidaamka iyo kala danbeynta dowladnimo. Is barbar yaaca baratanka ah ee qaran duminta u muuqda  waa midda aan la yaabay oo iga fajacisaye dadow maxaa khaldan!?.

Shacabka soomaaliyeed oo ah dhibbanaha koowaad, waxey xinjirtooda  dhex daadsan tahay dhammaanba geyiga soomaaliyeed bad iyo berriba min gobol ilaa tuulo, waxaana dhiiggooda wada dhadhemiyay xayawaannada midka ugu yar iyo midka ugu weyn, maxaa yeelay badaha ayey ku dhammaadeen oo xuudka amaba nibiriga ayaa hilbahooda ka hirqaday, berrigana wey ku dhinteen oo habar dugaag baa lafahooda feenatay, sidoo kale xamaaratada iyo cayayaanka oo ay quraansho ugu yar tahay baa uuskooda wada nuugay. Waxaa lagu dhex laayay madaxtooyada qaranka, iskuullada, hoteellada, isbitaallada, maxkamadaha, waddoonyinka iyo goobaha shaqada, waxaase yaab leh in mar walba cawil celin iyo ceymis gargaar ah looga dhigo «Canbaareyn iyo baaris aan natiijo ka soo baxeynin» iyada oo yaab ka yaabkiis ay noqoneyso in wasiir dowladda ka tirsan uu shacabka ku niyad jabiyo ereyo quus iyo rajo beel ah oo dhahaya «Nabad diidka leys kama celin karo awoodna loo ma hayo » meeshaasi waxaa ka cad inuusan jirin isla xisaabtan iyo denbi leysu qabsan karo, kolleey anigu taasi waa arrin iga degi weysay ee dadow maxaa khaldan!?. Ugu danbeystii waxaan leeyahay oo iga guubaaba ah:-

Qoomka Soomaaliyeedow

Qabyaalad wax ma dhisto

Qarannimaa horumar leh

Qorshihii fuli waayana

Qof un baa ku fariistaye

Yeelo qab waddaniyadeed.

Bashiir  Cali  Xuseen

Barbaariye@hotmail.com