FAYSAL Cali Waraabe oo si aan looga baran uga hadlay xariga xubnaha DF loogu geysto Hargeisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa si adag kaga hadlay madaxda  Soomaalida iyo maamul goboleedyada koofurta Soomaaliya ee taga deegaanada maamulka Somaliland iyagoo aan wax ogolaansho ah ka heysan Somaliland.

Faysal Cali, ayaa sheegay in Somaliland ay aqbashay in dadka aan xilalka heynin tagi karaan deegaanada Somaliland, laakiin dadka xilalka hayo ayuu sheegay in loo baahan iney wargelin siiyaan Somaliland ka hor inta aysan kasoo duulin magaalooyinka ay joogaan.

Sidoo kale Waraabe wuxuu sheegay in Somaliland ay ogolaatan in dadka kasii gudbaya Hargeysa ay “Transit” ku mari karaan deegaanada Somaliland.

“Aniga marka aan tagayo Ethiopia waan ku wargeliyaa oo Fisa ayaan dalbadaa, marka haddi nimanka xilalka hayaa imaanayaan Somaliland waa iney kusoo wargeliyaan Somaliland oo aan la arag ruux iska dhex maraya Hargeysa iyo Berbera”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Todobaadkii lasoo dhaafay maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay wasiiru dowlaha caafimaadka Puntland kadib markii bastoolad lagu arkay, waxaana uu kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com