Cabdi Weli GAAS iyo Axmed MADOOBE oo halis ugu jira inay ku kala fogaadan shirka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha la xiriira barnaamijka hiigsiga 2016 ee jahwareerka badan.

Barnaamijkaani ayaa waxaa loo diyaariyay hool gaar ah, waxaana lagu martigaliyay Maamul Goboleedyada dalka ee iminka cagahooda ku istaagay.

Mas’uuliyiinta kasoo qeybgali doonta ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo isagu lagu raali galiyay dib uga laabashada qodobo dhowr ah oo ku jiray Dastuurka Maamulka Galmudug kaasi oo saameyn xoogan ku lahaa jiritaanka Puntland.

C/weli Gaas oo horay uga biyo diidanaa inuu ka qeybgalo shirka ayaa waxa uu iminka ogolaaday inuu soo xaadiro madasha, bacdamaa la raali galiyay.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isaga weli ka biya diidan inuu ka qeybqaato shirka, kadib markii uu ku gacanseeray hamigiisii ahaa in Madaxweyne Xassan uu ka fushto arrimihiisa gaarka ah.

Arrinta shirkaani barnamijka New Deal-ka ee maanta oo ay taariikhdu ku asteysan tahay 29 bisha July lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa suuragal ah inuu khilaaf ka dhex abuuri Hogaamiyayaasha Jubba iyo Puntland.

Axmed Madoobe oo laba maalin ka hor ay is arkeen Madaxweynaha dalka ayaa la hadal hayaa inuusan iman doonin shirka maadaama Dowladu ogoleyn inay ka noqoto go’aankii xildhibaanada kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka Jubba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wax walba ay dhici karaan sida in labada maamul ka soo qeybgalaan iyo inay wada diidaan balse loo badinaayo in labada maamul ku kala qeybsamaan shirka maanta oo arbaco ah furmi doona.

DF Somalia ayaa Hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland la dheeshay Siyaasad cusub waxaana loo badinayaa inay ku kala qeybsami doonaan ka qeybgalka Shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com