Ciidamada dalka Ethiopia oo ka baxay Cadaado!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Ethiopia ee ku sugnaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa isaga baxay degmadaasi, kadib markii ay dhameysteen waajibkii u tageen magaaladaasi Cadaado.

Ciidamada ayaa baneeyay saldhigyo ay ku lahaayeen magaalada Cadaado halkaasi oo billooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen, intii uu socday dhismaha maamulka Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay ku hoyden xalay deegaano ku dhow magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horay ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM ay ku sugnaayeen.

Sida wararka aan ku heleyno saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia iyo goobo kale waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugnaa Cadaado tan iyo markii uu bilowday dhismaha maamulka Galmudug oo shirarka ay ka bilowdeen magaalada Cadaado, halkasi oo lagu doortay madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo xubnaha baarlamaanka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com