DF oo sababaysay waxa hortaagan inay dalka Somalia doorasho qof & cod ah ka dhacdo 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo wada shaqeeyo lagu gaaro hanaanka dowladdu ay dooneyso in ay ku hrumariso adeegyada dalka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Sababo badan u yeelay inay baaqato Doorashadii lagu balamay ee Shacabka Codadkooda ku dhiibanayaan Sanduuqa Codbixinta marka la gaaro 2016-ka.

Wuxuu sheegay in Dowladiisa ay horyaalaan Shaqooyin badan oo aad u Culus, kuwaasi oo ay kamid yihiin Amniga, Dhamaystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo dhamaystirka Maamulada Federaalka.

Sidoo kale, Dhaqaalihii iyo Taageeradii kale ee Beesha Caalamka sida Tooska ah u siin jiray DF Somalia oo gaabis ku yimid, taasina ay keentay in Howlaha Hay’adaha dowladda aan si fiican loo qaban 2014 – 2015.

Wuxuu sheegay in haddii xukuumadda iyo Baarlamaanka isku xirnaadaan laga gun gaari karo qorshayaasha Mustaqbal ee dowladdu ay dooneyso in ay ka mira dhaliso.

Seddexda Qodob ee uu u sababeeyay inay ka horeeyaan dhamaystirkooda Doorashada 2016, oo ah mid la qorsheeyay inay dhacdo balse haddan laga baaqday inay dhacdo, waxaana ay dowladda iyo Beesha Caalamka isla raadinayaan Qaab ka kale oo isbedel lagu samayn karo.

Geesta kale, Dowladda dhexe ayaa aad iminka u hadal heysa ka mira dhalinta hanaanka Higsiga Cusub 2016 ee dalka lagu gaarsiinayo doorasho xor ah xilli la sameeyay guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com