Labada aqal ee BF “Doob qalanjadiisii gabay miyaa”?

Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran ilaalinta Dastuurka, Midnimada Dalka, La xisaabtanka Xukuumada Federaalka iyo Maamulada Gobalada dalka.

Waxaan dhageystay Madaxweyne Waare oo eedaynaya dawlada federaalka, kuna tilmaamay in ay ku fashilantay amniga iyo hogaaminta dalka iyo in Xamar ay ka jirto khatar amni, waxaana u jiibinayey una sacab tumayey Xildhibaanno ka tirsan labada Aqak ee Fedaraalka.

Waxaan aqriyey laba qoraal oo kasoo baxday Aqalka sare  mid dib loogu dhigayay furitaanka kalfadhiga 4 aad ee Aqalka sare iyo mid lagu sheegay in Aqalka sare dhex-dhexaadinayo khilaafka Federaalka iyo Gobalada una baxayo safaro nabad-doon ah.

WAXAAN IS WAYDIIYEY SU’AALO AAN WELI LOO HELIN JAWAAB:

1-Fedaraalka uu  Madaxweyne Waare eedaynayo miyuusan aheen labada Aqal? Mise waa Madaxweynaha iyo R/wasaarah kaliya?.

2-Mas’uuliyada Xildhibaanada Federaalka miyey ku koobantahay u sacab-tumida Madaxweyne Gobal kaliya?

3-Hadii Madaxweyne Waare Xildhibaanada u sheegay in Xamar khatar ku tahay Amnigooda isaguna uusan ku hoya karin meel aan Xamar aheen ma u jiibinayaan? Mise beenta ayey ka qabanayaan?

4-Sida uu sheegay Madaxweyne  Waare haddii Fedaraalku fashilamay! Xildhibaanada Hirshabelle ee Fedaraalku ma Fashilmeen? Mise Madaxweynaha iyo R/wasaaraha kaliya ayaa Fashilmay?

5-Haddii Madaxweyne  Waare Gobalkiisii ku Fashilmay! Kuna saan-tiranayo Gobal kale! ma in runta loo sheegaa? Mise in loo Sacbiyaa?

6-Haddii uu jiro khillaaf iyo dhibaato u dhaxeysa Federaalka iyo Gobalada! Ma in degdeg loo furo kalfadhiga Aqalka sare lagana doodo Mushkilada miyaa? Mise in dib loo dhigo oo khilaafku sii socdo miyaa? Mise Timir laf ayaa ku jirta?.

7-Mas’uuliyada iyo Waajibaadka Aqalka sare!Hay’ad Dastuuri ah oo ku shaqeysa Sharci iyo Go’aano Dawlad-nimo miyaa? Mise Odayaal Nabadoono ah oo ku shaqeeya xeer-jajab, Madax-salaax iyo hoos u dhigid Hay’bada Dawlad-nimada waaye?

SIDA KU CAD DASTUURKA IYO SHURUUCDA DALKA:

Dhismaha, horumarinta iyo la xisaabtanka Gobalada dalka waxaa dawladda federaalka wakiil uga ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha kadibna Golaha Wasiirada kadibna waxaa la xisaabtami kara labada Aqal ee Fedaraalka.

Lkn “Cadan miyaa laga heesaa! Mise dadka ayaan qaldan”? Ma la gaaray xilligii laga gudbi lahaa Cali gar leh, Caydiid gar leh? Ma la gaaray xilligii laga gudbi lahaa in qof ama koox loo wada afduubnaado 30 sano kadib?.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)