Kala shaki ka dhex curtay xildhibaanada labada aqal iyo Ilaaladooda + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabsi xoogan ay soo food saartay Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Somalia kadib Qaraxii lagu dhaawacay Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow.

Qaraxa lagu dhaawacay Xildhibaan Booroow ayaa shaki iyo walaac u abuuray Inta badan Xildhibaanada waxaana soo baxaaya shaki laga qabo in Qaraxii gaariga loogu xiray Booroow ay wax ka ogaayen Ilaaladiisa oo aan wax khasaaro ah soo gaarin.

Ka hor inta aan Qaraxa gaariga loogu xirin Xildhibaan Booroow ayaa waxaa la xaqiijiyay in fasax saacado ah ay qaaten laba kamid ah ilaalada Xildhibaanka kuwaa oo la tuhunsan yahay inay waxbadan kala socdeen Qaraxa oo dhajis ahaa.

Qaraxa Booroow kadib Xildhibaanada qaar ayaa la sheegay inay bedel ku sameeyem Ilaaladooda taa oo muujineysa in shaki weyn uu ka dhex curtay Xildhibaanada iyo Ilaaladooda gaar ka ah.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa ka feejigan dayacaada gaadiidkooda waxa uuna shakigani soo bilowday tan iyo wixii ka danbeeyay digniinta kasoo baxday Hogaamiyaha Hir-Shabelle Waare oo sheegay in Xildhibaanada ay adkeeyan amnigooda.

Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa xoojineysa digniinta Hogaamiye Waare, waxaana xusid mudan in Xildhibaanada qaar ay si KMG ah u hakiyeen isticmaalka gaadiidkooda sababo la xiriira in Qarax loogu dhex qariyo gudaha gaariga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com