Muqdisho (Caasimada Online) – Basaaskii hore ee Israa’iili Mareykanka ah Jonathan Pollard ayaa sheegay in Israel ay suuragal tahay inay weerarto Masar iyo Turkey mustaqbalka dhow, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.
Pollard oo ka hadlayay barnaamij podcast ah oo ay leedahay warbaahinta Arutz Sheva ayaa sheegay in Israel ay tahay inay isu diyaariso dagaallo kale oo Bariga Dhexe ka dhaca, kadib Iran.
“Ma hubo inaan Turkida ula macaamili doonno si fudud sidii aan ula macaamilnay Iiraaniyiinta,” ayuu yiri Pollard.
“Waa inaan u diyaar garownaa dagaalka xiga, kaas oo u badan inuu ka dhan noqdo Turkey iyo Masar. Duufaantu way soo socotaa,” ayuu sii raaciyay.
Pollard ayaa sidoo kale ka digay in Israel ay ogolaato in dowladda ku-meel-gaarka ah ee Syria ee ay Turkey taageerto ay dib ula wareegto dhulalka koonfurta Syria ee ay ciidamada Israel haystaan, isagoo sheegay in taasi ay ka dhigan tahay in “Turkidu ay soo gaarto xuduudda Israel.”
Jonathan Pollard ayaa 30 sano xabsi ugu jiray Mareykanka, kadib markii lagu helay inuu sir Mareykan ah ka iibiyay Israel sanadkii 1984-kii. Kadib markii lasii daayay sanadkii 2015, wuxuu u guuray Israel, halkaas oo uu qaatay dhalashada dalkaas.
Tan iyo markii uu degay Israel, Pollard wuxuu noqday mid taageere iyo saaxiib dhow oo la leh Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir. Wuxuu sidoo kale taageeray baaqyo la xiriira in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka la haysto.
Masar iyo Turkey ayaa muddo tobanaan sano ah xiriir la lahaa Israel, balse xiriirkaas ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn u xumaaday, gaar ahaan sababo la xiriira dagaalka Gaza.
Turkey ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Muslim u badan yihiin ee aqoonsada Israel sanadkii 1949-kii, waxaana labada dal ay muddo dheer lahaayeen xiriir amni iyo ganacsi.
Hase yeeshee, xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kadib weerarkii Israel ee sanadkii 2010 ku qaadday markabkii Mavi Marmara, oo ahaa markab gargaar u waday Gaza. Ciidamada Israel ayaa markabkaas ku dilay 10 qof oo saarnaa, arrintaas oo dhalisay xiisad weyn oo u dhexeysa Ankara iyo Tel Aviv.
Isku daygii ugu dambeeyay ee dib loogu hagaajinayay xiriirka labada dal ayaa dhacay September 2023, markaas oo Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ay markii ugu horreysay ku kulmeen New York, halkaas oo ay isku gacan qaadeen.
Laakiin dadaalkaas ayaa burburay bishii xigtay, kadib weerarradii ay Hamas ku qaadday Israel 7-dii October iyo dagaalkii xigay ee Gaza.
Tan iyo markaas, hadallada siyaasiyiinta labada dal ayaa sii kululaaday. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Naftali Bennett ayaa bishii March ku tilmaamay Turkey in ay noqon karto “Iran-ta xigta.”
Masar ayaa iyaduna xiriir iyo heshiis nabadeed la leh Israel tan iyo sanadkii 1979-kii, kadib dagaallo dhowr ah oo dhex maray labada dal.
Pollard ayaa sheegay inuu “rajeynayo” in Israel aysan dagaal la gelin Masar ama Turkey, balse wuxuu ka digay in “rajadu ay ahayd shaygii ugu dambeeyay ee faraha ka baxay.”

