Labo xaalad oo kala daran oo isugu darsantay shacabka degmada Buulo-burte

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan Axmed Mahad Nuur oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee degmadaasi oo ka mida meelaha ay ku soo barakaceen dadka ay saameysay abaarta dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayaan shacabka Buulo-Burde, wuxuuna tilmaamay inay isugu darsameen abaar iyo sidoo kale go’doomin ay degmada ku hayaan xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Axmed Mahad Nuur ayaa sidoo kale xusay in xaaladda ay kasii dartay markii ay magaalada kusoo barakaceen qoysas badan oo ku noolaa miyiga gobolka Hiiraan, isaga oo intaasi ku daray in haatan ay macluul ka jirto magaalada, taas oo uu kasoo saaray baaq deg-deg ah.

“Abaarta saameyn weyn ayay ku yeelatay Magaaladaas oo muddo go’doonsan, Xoolo dhaqato iyo Beeraley ayaa degen, macluul badan ayaa ka jirta, Ganacsiga Xooggiisa waxa u ku yimaadaa diyaaradaha oo 4 maalin yimaada, Dadka deegaanka waxaa kusoo barakacay oo dulsaar ku noqday qoysaskii degenaa Tuulooyinka oo Xoolo dhaqato u badan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda cusub iyo hay’adaha samafalka, wuxuuna ugu baaqay inay wax ka qabtaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi.

Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa aan ka sugeynaa in ay wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira Buula burte, rajo ayaan ka qabnaa Maadaama Madaxweynaha uu magacaabay Ergay u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada waxa aan ka codsaneynaa in uu wax ka qabto abaartaan taagan” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka degmada Buulo Burte.

Dhowaan Buulo-burte waxaa booqasho ku tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha, isagoo kormeeyay xeryaha degmadaasi.

Xaaladda bani’aadanimada Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana deegaanada qaar laga soo warinayaa dhimasho ay sababtay abaarta iyo macluul daran.