25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Lafta Gareen oo dhimaya tirada xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo odayaasha dhaqanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay intiisa badan arrimaha maamulkaasi, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la’is waafajiyo Dastuurka iyo soo xulista xildhibaanada, si loo yareeyo tiradooda oo hadda gaareysa illaa149 mudane.

Dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qeexaya tirada xildhibaanada oo ah 95 oo kaliya, taas oo uu hadda doonayo in la dhaqan geliyo Madaxweynuhu.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka, Malaaq Deerow Yacquub Cali oo kulanka ka warbixiyey ayaa sheegay in Madaxweynuhu dallabay inay ku garab siiyaan arrintaasi, si loo yareeyo xubnaha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa ka soo horjeeda beelaha qaar ee daga gobollada Sh/ Hoose, Baay iyo Bakool, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waayaan xubno muhiim ah oo ay haatan ku leeyihiin baarlamaanka, balse waxaa socda dadaallo lagu qancinayo beelahaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News