Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askar loo heysto dil iyo dhaawac + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Hey’adda dambi  baarista Boliiska CID  ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska  weydiistay Maxkamadda  15-ka bishii  Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda.

Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay  eedda loo  heysto ee  ah dilka  iyo dhaawaca  ay u geysteen gabdho walaalo ah oo  Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in  ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.