Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcasiis Lafta-gareen ayaa xubnaha Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed badankood ka dhigay kuwa ka tirsan ehelkiisa ama saaxiib dhow la ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Lafta-gareen, oo dhowaan soo saaray liiska musharaxiinta shan kursi, ayaa afar ka mid ah ka dhigay xigtadiisa, waxaana dhammaantood shalay si guul leh loogu doortay magaalada Baydhaba, ayaga oo aan wajahin tartan adag.
Laba ka mid ah xubnaha la doortay ayaa waxa ay qabaan gabdhaha uu dhaley taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan “Taliye Shub,” waxayna la dhasheen xaaska Lafta-gareen, oo sidoo kale uu dhalay taliyaha, ayaga oo Lafta-gareen la noqonaya Owriyo Walaalo.
Xubnaha la doortay ee xigtada la ah Lafta-gareen ayaa kala ah
1- Aadan Cabdinaasir Maxamed, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, kana soo jeeda beesha Hadamo, wuxuu qabaa Anisa Mahad Cabdirahman, oo ay isla dhasheen xaaska Lafta-gareen, Zamzam Mahad Cabdirahman. Labadaba waxaa dhaliye taliye Mahad Cabdiraxmaan.
Aadan Cabdinaasir Maxamed wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.
2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir, oo kasoo jeeda beesha Boqol Hore, wuxuu qabaa Ilhaan Mahad Cabdirahman oo sidoo kale ay isla dhasheen xaaska Lafta Gareen Zamzam Mahad Abdirahman.
Dr. Xuseen Maxamed Daahir wuxuu bedelayaa Senator Timiro Maxamed Cali oo kursigan ku fadhisay labadii sano ee tagtay.
3- Ayaan Aadan Cabdullahi, oo kasoo jeeda beesha Hariin waxay ilma adeer la tahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen, waxayna bedeleysaa Senator Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay.
Kursigan oo ay laheyd beesha Eelaay, ayuu gebi ahaan Lafta-gareen kasoo wareejiyey, wuxuuna siiyey beesha Hariin, si uu kursiga ugu fadhiisiyo Ayaan.
4- Maxamuud Maxamed Cabdi Garabey, oo kasoo jeeeda beesha Geeladle, wuxuu ka tirsanaa waaxda dowladaha hoose ee magaalada Baydhaba. Waxaa saaxiibo aad isugu dhow ah Maxamed Cabdi Garabey, aabaha Maxamuud iyo Lafta-gareen.
Senator-ka kaliya ee la doortay ee aan wax xiriir ah la laheyn Lafta-gareen ayaa ah Zamzam ibraahim Cali, oo kasoo jeedo beesha Jiido. Zamzam ayaa horey kursigan ugu fadhisay, waxaana sababta uusan Lafta-gareen u taaban kursigooda ay tahay in Zamzam uu qabo Suldaan Warsame Ibrow oo ah suldaanka beesha Jiido, oo aan loo dhowaan karin.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in xubnaha uu soo xulay Lafta-gareen uusan ugu daneyn cid ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, balse uu qoyskiisa ugu daneeyey.
“Lafta-gareen musharaxna uma daneyn ee wuxuu dhisay qoys siyaasadeed. Wuxuu doonayaa in xildhibaano isku xiran uu kula gorgortamo musharaxiinta madaxweyne, kana iibiyo kan ugu lacagta badan,” ayuu yiri ilo-wareed la hadlay Caasimada Online.
Waxaa sidoo kale la filayaa in kuraasta shanta ah ee harsan uu sidoo kale usoo xulo Lafta-gareen, sida aan xogta ku helnay.
Baarlamanka Soomaaliya ee cusub, ayaa la filayaa inuu noqdo mid xubnihiisa badankood aysan ku fadhin karti iyo tartan siyaasadeed oo ay galeen, balse ay ku yimaadaan sida ay ugu dhow yihiin madaxweyne goboleedyada oo la filayo in badankood ay qadaaan tallaabo la mid ah tan Lafta-gareen.