Maxaa dhaliyey buuqa hareeyey kulanka golaha wakiilada SOMALILAND?

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka golaha wakiilada Somaliland oo haatan ka socda gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa hareeyey buuq iyo fowdo, kadib markii shir guddoonka golaha lagu wareejiyey xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo loo yaqaano Faratoon.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu shir guddoominta ku wareejiyey Faratoon oo ah musharrax u taagay xilka guddoomiyaha, waxaana xildhibaanada qaar ay ka biyo diideen arrintaas, iyaga oo, kadib fowdo bilaabay.

Xubnaha mucaaradka ee ku jira golaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan suurtogal aheyn in Faratoon uu guddoomiyo kulanka, sababo la xiriira in nuu musharrax yahay.

Sidoo kale kadib waxaa laga dajiyey kursiga guddoonka ee golaha, si loo joojiyo buuqa, isla-markaana uu sii socdo kulanka golaha oo ah kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu haatan si habsami leh ku socdo, waxaana khudbado jeediyey musharraxiinta u taagan xilka guddoonka sare ee golaha wakiilada.

Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku dooranaya gudoomiyaha cusub waxaana u taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Wadani, isla markaana garab ka helaya xisbiga Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan.

Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Doorashadani ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid.