Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta la filayaa inay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi, taas oo ah mid xiiso leh, isla-markaana ay isku hayaan xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota Hargeysa, waxaana lagu soo warrmayaa in goordhow shirka golaha uu ka furmay magaaladaasi

Kulankan oo ay soo xaadireen 81 Mudane ayaa waxaa lagu dooran doonaa guddoomiye, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad, taas oo uu muran ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in marka hore xildhibaanadu ay cod gacan-taag ah ku dooranayaan gudoomiyaha waxaana ku taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda Xisbiga Wadani, isla markaana garab ka helaya Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan.

Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ah xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid.

Ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyey, isla-markaana meelaha muhiimka ee Hargeysa la dhigay ciidamo Boolis ah, si loo adkeeyo amniga.

Somaliland ayaa horey waxaa uga dhacday doorasho taariikhi ah oo isugu jirtay tan golaha wakiilada iyo sidoo kale mida goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka maamulkaasi.