Lafta-gareen oo ku biiraya madaxda gobaleedyada ka soo horjeeda DF (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu qabay cabasho ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Caasimada online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya aysan bixin lacagtii uu xaqa u lahaa maamulka Koonfur Galbeed dhowrkii bil ee ugu dambeysay waxayna taasi ay sababtay in Lafta-gareen uu cabasho ka muujiyay xuquuqda Koonfur Galbeed ee ku maqan dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed aadna ugu dhow Madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in warqad cabasho ah oo ka socota madaxweyne Lafta-gareen la geeyay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taas oo lagu dalbanayo in dowladda Soomaaliya ay wax ka badasho wajiga ay kula dhaqanto maamulkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa boqolaal kun oo dollar loo soo marsiiyaa dowlad gobaleedyada dalka waxaana lagu eedeeyaa in aysan bixin lacagtaasi.

Madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa ku cadaadinaya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen in uu ku biiro shirarka ay abaabulayaan iyo mucaaradnimada dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyo in aysan si wanaagsan kula dhaqmin maamulada.

Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa la sheegay in uu hadda isku maareeyo lacago ka soo xarooda Isbaarooyin yaala degaanada Koonfur Galbeed kuwaas oo lacagta laga qaado aysan ku filneen socodsiina shaqada maamulka.

Madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ahaayeen labada Madaxweyne ee kaliya oo taageersan Dowladda Soomaaliya, waxayna hadda u muuqataa in labada dhinacba ay ka sii fogaanayaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda kuwa waqtigooda ku dhameysan doona buuq iyo fowdo oo kaliya. Labadaan hogaamiye ma lahan daganaan iyo qorshe ay ku hogaamiyaan siyaasadda dalka sida ay dad badan qabaan.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com