25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Lafta-gareen oo tegay magaalo ay go’doomiyeen Al-Shabaab + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaaada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Laftagareen oo diyaarad ka qaatay Baydhaba ayaa ka daga magaaladan oo ay ka jiraaan xaalado adag oo dhanka nolosha iyo amniga ah, sidoo kalena ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la xiriira saddex arrimood oo kala ah dardargelinta horumarinta adeegyada Bulshada, Nabadgalyada iyo Wadatashiga Shacabka ee ku aaddan qorsheyaasha horumarineed ee magaalada Xudur ee xarunta Bakool, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulkaasi.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa safar shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta adeegyada Bulshada, Nabadgalyada iyo Wadatashiga Shacabka ee ku aaddan Qorsheyaasha horumarineed ku gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagareen iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Xudur, iyadoo ay halkaasi ku sugaayeen masuuliyiin heer Gobol ah, Saraakiil Ciidan, Odayaal Dhaqameed, Haween, iyo Dhalinyaro degmada” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale, Laftagareen inta uu joogo degmada Xudur wuxuu kulamo la yeelan doonaa masuuliyiinta gobolka, kuwa degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono qorshihiisa gaarka ah iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jiro halkaasi.

Waxaa kale oo Laftagareen booqan doonaa xarumaha ciidamada, isaga oo u kuurgeli doono xaaladda guud iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo marar badan tegay Xudur ayaa horay u sheegay in loo diyaar garoobay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana la dajiyay qorshihii lagu xoreyn lahaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Siyaasadda dagaalka ee wajiga labaad waa la diyaariyay, waana qorsheysan tahay, waana bilaaban doontaa taas waa sugeynaa” ayuu horay u yiri madaxweynuhu.

Xudur ayaa kamid ah magaalooyinka waa wayn ee koonfurta Soomaaliya ee ay halista ku hayaan argagixsada, maadaama ay ka hareereeyeen afarta jiho magaaladaasi, taas oo keentay in xaalad go’doon ah ay muddo ka badan 10 sano galaan dadka shacabka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News